Kulmiye.com provides the latest news updates related to Somalia

Title

KULMIYE Party Of Somaliland

Description

Xisbiga KULMIYE wuxuu bishii Diisambar ee 2002 ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii degaamda Jamhuuriyadda Somaliland taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah.

Ujeedooyinka ururkani Waa qaar si dhab ah uga turjumaya himilooyinka dadweynaha reer Somaalilaand higsanayo (aspirations of the people of Somaliland), kuwaas oo salka ku haya taariikhda halgamadii dheeraa ee loo soo maray xornimada dalka, hadday tahay tii isticmaarka la iskaga xoreeyey, iyo hadday tahay halgankii qadhaadhaa ee lala galay taliskii Maxamed Siyaad Barre, halgankaas oo midhihiisu yihiin xasilloonida iyo degenaashaha aynu maanta hadhsanayno marka la barbar dhigo qalalaasaha ka taagan wixii Soomaaliya la isku odhan jiray inteeda kale.

Ka sokow dadaalka madaxda iyo xubnaha ururku u galeen dhismaha ururka waxa aan la iloobi karin taageerada balaadhan ee dhinacwalba leh ee ururku ka helay shacbiweynaha Somaliland taaso xisbiga KULMIYE u suurto gelisay inuu gaadho guulo waawayn muddadii gaabnayd ee uu dhisnaa. Xisbiga KULMIYE si u taaba geliyo hanka shacbiga reer Somaliland waxa lagama maarmaan ah inuu helo taageradooda oo aan kala go' lahayn.

read more

Languages

Indonesian (Indonesian)

Contact

Ahmed, Maryan

Logos

Logo-kulmiye-com.gif

Additional Information

Related Domains

External Links



Retrieved from "http://aboutus.com/index.php?title=Kulmiye.com&oldid=26848782"